Kooxo aan la aqoon oo jabsaday Baraha Facebook ee 90 milyan oo qof!

Published: September 29, 2018

Shirkada Facebook ayaa sheegtay inay ogaadeen weerarkan Salaasadii lasoo dhaafay, kadib markii kooxo aan la aqoon ay si farsameysan u adeegsadeen qeybo kamid ah adeega Facebook iyagoo si qarsoon ulla degay xogta ama furaha in ka badan 90 milyan oo qof.

Facebook ayaa ku dooday inay Jimcihii shalay ay hagaajiyeen cilada ay ka faa`iideysteen kooxdan oo la sheegay inay la xariirto isbedalo Facebook ku sameeyey barnaamijooda filimaanta lagu shaaciyo oo ay cilado ku jiraan, kuwaasi oo u fududeeyey kooxahan inay helaan xogta loo yaqaan [Access tokens] oo qofka u fududeenaya inuu Facebook u furnaado muddo dheer isagoo aan u baahney inuu dib u geliyo furihiisa.

Inkastoo khubarada Facebook arrintan ogaadeen Salaasadi (Talaadadii) ayey hadana ku qaadatay illaa khamiistii gelinkii danbe inay xal u helaan, iyagoo shacabka ka qariyey xogtan, Jimcihii ayuu Facebook xiray baraha dadka la rumeysan yahay in ay arrintan saameysay isla markaana ku khasbay macaamiishooda inay dib furahooda u isticmaalaan si cilada loo saaro.

Madaxa Facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid halis ah, isagoo sheegay in dadka xogtooda la helay aysan u baahneyn inay furayaashooda bedalaan, balse wuxuu sheegay inaysan ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay in baraha la jabsaday qaarkood si khaldan loo isticmaalay, taasi oo shaki weyn sii abuurtay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *