Kormeer lagu sameeyay  Afisiyooni oo ay ka dhaceyso Doorashada Guddoonka Aqalka Sare

Published: April 25, 2022

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Aqalka Sare & Xubnaha kale ee Guddiga ayaa kormeeray teendhada Afisiyooni ee Xeendaabka Xalane ee Magaalada Muqdisho taas oo loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen.

Guddiga ayaa qiimeyn ku sameeyay xaaladda Amni ee Goobta iyo Agabka loogu talo galay doorashada.

Sidoo kale, Xubnaha Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay Xubnaha kale ee wada diyaarinta Hoolka lagu qabanaayo doorashada oo dhamaan ay ku dhan yihiin halkii ay fadhiisan lahaayeen Xildhibaannada Aqalka Sare, Musharrixiinta iyo Guddiga intaba.

Maalinta Arbacada ah ee Todobaadkaan ayaa isla Xarunta Afisiyooni waxaa lagu qabanayaa doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen, kuwaas oo ay ku tartami doonaan musharrixiin dhowr ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *