Kormeerkii Wasiirka Amniga ee Taliska Ciidanka Booliska

Published: October 27, 2021

Wasiirka Wasaaradda amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Maxamad Nor ayaa maanta kormeeray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha booliska.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiisha kale ee Booliska, kuwaasi oo ka hadlay xaaladda guud ee amniga iyo qorsheyaasha Booliska uga degsam xoojinta iyo sugidda Nabadgelyada.

Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Booliska adkeynta amniga gaar ahaan goobaha doorashooyinka, maadaama dhawaan la guda geli doono doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana uu kormeeray qeybaha xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *