Ku-simaha Madaxeynaha Puntland oo Gaalkacyo lagu soo dhaweeyey

Published: April 26, 2022

Ku-smaha madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Isimada dhaqanka, Ururka bulshada, Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo masuuliyiinta kale ee dowladda ayaa soo dhoweyn diiran u sameeyey Axmed Karaash.

Madaxweyne Axmed Karaash oo safarka uu gaalkacyo ku tegey ujeedkiisa ayaa yiri:

Safarkaygu wuxuu daaran yahay mashaqadii dhawaan ka dhacday magaalada, aniga oo la kulmi doona dhammaan dhinacyada ay khusayso iyo sidoo kale codsi iiga yimid Odayaasha iyo Shacabka reer Gaalkacayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *