Kulamadii Ergayga gaarka ee Shiinaha iyo Madaxda Qaranka

Published: March 18, 2022

Ergayga gaarka ee dawladda Shiinaha u soo magacawday dhawaan geeska Africa, Xue Bing ayaa Khamiistii kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya.

Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta xiiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyo badan oo ay ku jiraan beeraha, kalluunka iyo gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Ergayga oo shir jar’id ku faah-faahiyey kullamada uu la qaatay madaxda qaranka ayaa sheegay in amniga, nabbadda iyo hurumarka dalka Sooomaaliya iyo guud ahaan tan gobalka geeska Africa ay ku falan-qeeyeen, isagoo xusay in Shiinaha ay ahmiyad weyn ugu fadhiso xal u helida xasaradaha ka jira gobalka.

Mr. Bing waxa uu xusay in gobalka ay ka jiraan colaado, abaaro iyo fara-gelin shisheeye. Ambassador Bing waxa uu sheegay in Shiinaha ay ugu deeqeen Soomaaliya kaalmo bani’aadinimo.

Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya, Fei Shengchao ayaa hoosta ka xariiqay in kullamadii ay la yeesheen Madaxweynaha, Ra’isul-wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha dibbada dalka ay ku soo dhamaadeen guul iyo is-afgarad.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *