Kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Turkiga

Published: December 3, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa Khamiistii ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Turkiga, Mudane Mehmet Yilmaz.

Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal, waxaa kale oo ay isla fallanqeeyeen arrimihii ugu dambeeyay xaaladaha gobolka iyo dunidda.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia, Cabdisalaam Suleymaan Cabdi (Koodaar).

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *