Kulan looga hadlay Amaanka goobaha doorashooyinka loo asteeyay!

Published: January 27, 2021

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Farxaan Cali Axmed ayaa kulan looga hadlayay xoojinta amniga goobaha doorashooyinka la qaatay hay’adaha iyo wakiilada dalalka Soomaaliya ka taageero dhanka amniga.

Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Agaasimaha guud ee Wasaarada amniga gudaha, xubno ka socday Wasaaradaha amniga ee dowlad Goboleedyada iyo Agaasimaha Qorsheynta iyo horumarinta ee Wasaaradda amniga.

Shirka oo inta badan diiradda lagu saaray arrimaha booliska, ayaa waxaa kaloo inta uu socday la isla gartay xoojinta amniga goobaha loo asteeyay doorashooyinka, qalabeynta iyo howlgelinta ciidanka daraawiishta heer Federaal oo dhawaan lagu wareejin doono goobaha laga xoreeyay dhagarqabayaasha Al-Shabaab.

Wakiilada dalalka iyo hay’adaha Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka ayaa Madaxda Wasaaradda amniga gudaha ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan xasilinta dalka, iyagoo balan qaaday inay fulin doonaan heshiisyada ay la saxiixdeen Wasaaradda amniga, si loo adkeeyo Nabadgelyada guud ahaan dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in shirka la isku afgartay xoojinta Nabadgelyada goobaha doorashooyinka lagu qaban doono, isagoo uga mahadceliyay wakiilada dalalka iyo hay’adaha Soomaaliya ka taageero amniga sida ay ula shaqeeyaan Wasaaradda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *