Kulan looga hadlay maalgashiga shisheeye oo ka dhacay Muqdisho

Published: December 9, 2020

Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga [SOMINVEST] ee ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa casho Sharaf u sameeyay maalgashatada shisheeye ee maalgashtay Soomaaliya iyada oo ujeedku yahay in sare loogu qaado xiriirka malagashatada iyo Dowladda Soomaaliya lana taageero imaanshaha maalgashi shisheeye ee Soomaaliya.

Cashada waxaa kasoo qeyb galay Danjire. Jamaal Maxamed Hassan, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha; Danjire. Mehmet Yilmaz, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya; Cabdiraxmaan Maxamed, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya; Wakiillo ka kala socday guddi hoosaadyada Baarlamanka ee Maaliyadda & Qorsheynta; maalgashiga; xafiiska Madaxweynaha; Xafiiska Ra’isul Wasaaraha; Maalgashato Shisheeye; Golaha ganacsiga ee Turkiga iyo Soomaaliya iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Cashadan waxa ay qeyb ka tahay barnaamijka guud ee SOMINVEST ku taageereyso kuna fududeyneyso maalgashiga iyo maalgashatada shisheeye si sare loogu qaado qanacsanaanta maalgashatada loona kordhiyo maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya.

SOMINVEST waxa ay u igmantahay dhiirigelinta, fududeynta iyo taageeridda maalgashiga shisheeye; sare u qaadista muuqaalka dalka iyo in ay u ololeyso kobcinta jawiga maalgashi ee dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *