Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan looga hadlayay arrimaha amniga kula qaatay degmada Aadan yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Maamullada Gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Saraakiisha Ciidanka Xoogga, Saraakiisha Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale.
Kulankaan ayaa looga hadlayay xaqiijinta amniga deegaanadii dhowaan laga xureeyay Al-shabaab iyo sida looga ciribtiri lahaa deegaanada dhiman.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Gudoomiyayaasha Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Taliyaha Ciidanka XDS, Taliyaha Ciidamada Lugta, Taliyaha iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, iyo Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xogga.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in duruufo adag uu kusoo arkay deegaanadii uu soo maray ee laga xureeyay Al-shabaab.
Sidoo kale Madaxweynaha waxaa uu kula dardaarmay saraakiisha ciidamada inay ka shaqeeyaan nabadgalyada deegaanada la xureeyay.
Horseed Media