Kulan magaalada Jigjiga uga socda Saraakiil ka timid Addis Ababa iyo Odayaasha dhaqanka.

Published: August 11, 2018

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maalintii labaad uu kulan u socdo Saraakiil sare oo ka mid ah ciidanka meleteriga Federalka iyo Sirdoonka Itobiya iyo Odayaasha dhaqanka.

Saraakiisha sar sare ayaa waxaa ka mid ah Jen. Xasan Ibraahim oo u qaabilsan Wasaaradda Difaaca Itoobiya dhanka Sirdoonka iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga ee Bariga Itoobiya Jen. Balaay Sayuu.

Kulankan ayaa wuxuu daaranaa amniga iyo rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay Jigjiga, waxaa saraakiisha ay odayaasha u sheegeen ujeedada Ciidamada Milateriga u soo farageliyeen arrimaha Kililka Shanaad iyo sidii xaalada loo dejin lahaa iyo in wadajir looga wada shaqeeyo aminga Gobolka.

Saraakiishan ayaa u sheegay Odayaasha in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo carqalado ka sameysa deegaanka iyo cidi hub qaadato oo dibadda u baxdo.

Odayaasha dhaqanka ayaa iyagana raalli gelin iyo garawshiyo ka bixiyey dhibaatooyin loo gaystay kaniisado iyo meherado ay lahaayeen dad ka soo jeeda qowmiyado aan Soomaali ahayn.

Kulanka socda magaalada Jigjiga ayaa la sheegayaa inuu qeyb ka yahay kulamo looga hadlayo xaalada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana magaalada Addis Ababa ka socdo xubno ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo kulan la leh dowladda Dhexe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *