Kuuriyada Koonfureed oo markii ugu horeysay tijaabisay Gantaal cusub

Published: March 31, 2022

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay gantaalkii ugu horreeyey oo ay sameeyeen, tijaabadan oo ay ugu yeereen tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka helitaanka awoodda difaaca hawada sare iyada oo ay sii kordhayso xiisada u dhaxeysa labada Kuuriya.

Tijaabadan ayaa lagu soo beegay 6 maalmood kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaal ah nooca qaaradaha isaga goosha.

Tijaabada Kuuriyada Koonfureed ayaa ka dhacday magaalada Taean oo 150km (93 mayl) koonfur-galbeed ka xigta magaalada Seoul, waxaana goobtaasi ku sugnaa Wasiirka gaashaandhigga Suh Wook iyo saraakiil sare oo ka tirsan gaashaandhigga, iyadoo sawirrada la shaaciyey muujinayeen gantaalka oo cirka isku shareeray ka hor inta uusan hawada sare ku sii deyn dayax-gacmeed macmal ah.

Wasiirka difaaca ayaa sheegay in tijaabadan lagu guulaystay ay calaamad u tahay “horumar muhiim ah” oo ay kasameeyeen inay isku filnaansho ka gaaraan dhanka difaaca hawada sare iyo sahanka dhanka dayax-gacmeedka ee militarigooda oo horey ugu tiirsanaa dhanka sahanka iyo xogta ay ka helaan Maraykanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *