Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay samaysay tijaabada hubka Nukliyeerka ee biyaha hoostooda

Published: January 19, 2024

Kuuriyada Waqooyi ayaa Jimcihii sheegtay in ay samaysay tijaabada hubka Nukliyeerka ee biyaha hoostooda taas oo jawaab u ah dhoolatusyada milatari ee ay si wadajir ah u sameeyeen Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

“Weligeen uma dulqaadan doono daan daansiga millatari,” ayay tiri Wasaaradda Difaaca, iyada oo tixraacaysa dhoolatus-badeed oo saddex maalmood socday oo ka dhacay Jasiiradda Jeju ee Kuuriyada Koonfureed kaas oo la soo gabagabeeyay Arbacadii.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tijaabada hubka nukliyeerka ee biyaha hoostooda uu qeyb ka yahay ka hortagga dhaqdhaqaaqyada militari ee ciidamada badda ee Mareykanka iyo xulafadiisa.

Horseed Media