Kuuriyada Waqooyi oo dib u kicisay Warshadaheeda Hubka Nukliyeerka – VIDEO

Published: January 28, 2017

Warbixin ay soo saareen hay’adaha cilmi baarista ee saldhigoodu yahay Maraykanka ayaa lagu sheegay in Dowlada Kuuriya Waqooyi ay bilowday dhaq dhaqaaq xoogleh oo ay ku kicineyso Warshadeeda ugu weyn ee soo saarta hubka nukiyeerka ee Plutonium-ka.

Warbixintan ayaa lagu soo bandhigay sawiro Satelliet-ka oo laga soo qaaday Warshadaha Nukliyeerka ee wadanka Kuuriya Waqooyi oo hada muujinaya dhaq dhaqaaqa ka socda xarumahaasi.

Dowlada Kuuriya Waqooyi oo dhawaan la saaray cunaqabateyn horleh oo ku aadan tijaabinta Nukliyeerka iyo Gantaalada ridada dheer ayaa sheegtay inay u diyaar garoobeyso weerar kasta oo uga yimaada dhinaca Maraykanka iyo xulafadiisa.

Dowladihii hore ee Maraykanka ayaa cadaadis diblumaasiyadeed ku hayey xukuumada Kuuriyada Waqooyi, balse dowlada cusub ee Maraykanka oo hada uu muuqata mid ku mashquulsan arrimaheeda gudaha ayaa la filayaa inay sii dhiiri gelisay in Kuuriyada waqooyi ay dar dar siigeliso horumarinta hubkooda culus ee Nukliyeerka.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *