Kuuriyada Waqooyi oo saddex bilood kadib tijaabisay gantaal hor leh

Published: September 25, 2022

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal kuwa riddada gaaban ah kaas oo ku dhacay xeebaha bari ee dalkaas.

Gantaalkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee ay tijaabiso tan iyo bishii June, sida ay sheegeen militeriga Kuuriyada Koonfureed.

Wasiirka gaashaandhigga Japan, Yasukazu Hamada ayaa gantaalka ku qiyaasay in uu jaray masaafo dhan ah 50 kiiloomiitar.

Gantaalka ayaa ku dhacay meel ka baxsan xeebaha Japan.

Gantaalkan ayaa imaanaya xilli markab diyaaradaha xambaaro uu gaaray xeebaha Kuuriyada Koonfureed kaas oo ka qeyb qaadanaya dhoolatuska wadajirka ah ay wadaan ciidamada badda xilli maalmaha nagu soo aadan lagu wado in Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay booqasho ku tegto halkaas.

Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed ayaa tijaabada gantaalka ku tilmaanta fal dandaansi ah oo aad u daran.

Horseed Media