Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay inay tijaabisay Dayax-gacmeed wax-basaasa!

Published: March 6, 2022

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Axad ah sheegtay inay ku guuleysatay tiijaabinta Dayax-gacmeed cusub oo ah nooca wax basaasa.

Hase yeeshee dowlada deriska la ah ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in tijaabinta aysan ahayn Dayax-gacmeed balse uu ahaa Gantaal nooca ridada dheer ee qaaradaha isaga goosha.

Kuuriyada Waqooyi ayaa kusoo beegtay tijaabadan maalmo kahor xili lagu wado in doorashada Madaxweynaha ay ka dhacdo wadanka Kuuriyada Koonfureed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *