Kuwait oo ku baaqday in la dhowro madaxbanaanida Soomaaliya [Muqaal]

Published: November 17, 2019


Nawaf Al-Ahmad

Dowladda Kuwait ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobey in dhowraan madaxbabaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

Nawaf Al-Ahmad, oo ah la taliyaha wafdiga Dowladda Kuwait ee Golaha amaanka ee Qaraada Midoobey ayaa sheegay in dowladdiisu ay soo dhaweyneyso cunaqabateynta hubka ee la saaray Soomaaliya waxaase uu ka digay faragelin siyaasadeed iyo mid dhuleed.

Waxaa uu ka qeybgalay kulan gaar ah oo Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay sabtigii ka yeesheen xaaladda Soomaaliya.

Nawaf Al-Ahmad, ayaa soo dhaweeyay horumarka ay sameysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaa kale oo uu midnimo ugu baaqay dowladda iyo dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayuu ka dalbaday in Soomaaliya laga taageero sidii ay xasilooni uga gaari lahayd dalkeeda islaarkaana uga gudbi lahayd caqabadaha dhinacwalba ka heysta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *