Laascaanood: Dagaal habeenimadii xalay ka dhacay meel ku dhaw Goojacadde

Published: April 5, 2023
Dagaal culus oo markale ka bilowday duleedka magaalada Laascaanood

Wararka aan ka helayno magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in habeenimadii xalay dagaal xooggan ka dhacay dhanka bari ee magaalada Laascaanood, kadib markii ay is heleen ilaalo ka socotey ciidanka deegaanka iyo kuwa soo duuley ee Somaliland.

Dagaalka ayaa bilowdey 9:45pm xiliga bariga Afrika waxaana uu socdey muddo ku dhaw 50 daqiiqo, cidamada soo duuley ee Smaliland ayaa laga qabsadey hal gaari oo nooca qoryaha la saaro ah.

Dagaalka gobolka Sool ku dhexmaraya dadka deeganka iyo ciidamada ku soo duuley ee Somaliland ayaa galay bishii saddexaad.

Horseed Media