Laba nin oo ku eedeysanaa in ay dilal ka geysteen Muqdisho oo dil toogasho ah lagu fuliyay

Published: October 24, 2022
Shares16

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo lagu kala magacaabo Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdijabaar Cumar.

Raggan la toogtay ayaan loo heystay in ay dilal ka geysteen Magaalada Muqdisho kana tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Labada Nin waxa uu kiisaskooda maray Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida iyo tan sare oo isku raacay xukunka lagu fuliyay ee Toogashada ah sida ay sheegtay xeer ilaalinta Maxkamadda.

Muddo ayay u xirnaayeen kiiska lagu eedeeyay ee ah in ay dilal ka geysteen Magaalada Muqdisho oo ay ku xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo ugu dambeyn maanta la toogtay.

Horseed Media