Labada Guddoomiye ku xigeen ee Golaha shacab oo maanta la dooranayo

Published: April 28, 2022

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta la dhammaystiro islamarkaana la doorto Labada Guddoomiye ku xigeen.

Ilaa 10 musharrax oo ay ku jiraan Haween ayaa u taagan Xilka Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka Labaad waxa u sharraxan ilaa 7 Xildhibaan oo uu ku jiro Guddoomiye ku xigeenkii Labaad ee Baarlamankii 10-aad Mahad Cabdalle Cawad.

Fadhiga maanta ee Golaha waxaa shir-guddoomin doona Guddoomiyaha cusub ee Xalay loo doortay Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe).

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *