Waare oo $1.1 milyan ku wareejiyey guddiga gurmadka Beledweyne

Published: June 8, 2020

Madaxweynaha Hirshabeele ayaa lacag dhan hal milyan iyo boqol iyo afartan kun oo dollar ku wareejiyay Gudigga u badan ganacstada ee ka shaqaynayay sidii wax looga qaban-lahaa fatahaadii webigga ee saamaynta xun ku yeelatay magaalada beledwayne ee xarunta gobolka hiiraan.

lacagtaan ayaa ka kala timi Dalka Jabuuti oo isagu ku deeqay 600 oo kun oo dollar, Dawlada dhexe ee Soomaaliya oo iyadu bixisay lacag dhan 500 oo kun dollar, sidoo kale gudigga qaran ee arimaha gargaar ayaa iyaguna ku deeqay lacag dhan afar boqol kun oo dollar.

Wareejinta lacagtaan waxaa goob joog ka haaa madaxweynaha Hirshabeel, xubno ka tirsan golahiisa wasiira, odayaasha iyo waxgaradka gobolka hiiraan iyo gudigga ganacsatada. Madaxweynaha Waare ayaa ku baaqay in si degdeg loo hawlgallo lana sameeyo qorshayaal looga leexinayo biyaha magaalada lana sameeyo buundooyin biyo-xirayaal ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *