Laftagareen iyo Mursal oo kawada hadlay arimaha doorashooyinka

Published: November 5, 2021

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hoyga uu ka deganyahy magaalada Muqdisho  kulan kula yeeshay Guddoomiyaha wakhtigu ka dhamaaday ee Gollaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka oo isugu jiray qada sharaf iyo kala warqaadasho ayaa qaatay saacado badan iyadoo labada dhinac ay iska xog-wareysteen Xaalada guud ee dalka gaar ahaan arimaha Doorashooyinka.

Madaxweyne Laftagareen iyo Gudoomiye Mursal ayaa si dhow wadahadal uga yeeshay doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka ee laga soo dooranayo deegaanada Koonfurgalbeed taasoo lagu wado in todobaadkan gudihiisa ay ka bilaabato magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *