Laftagareen Oo La Kulmay Culimada Baydhabo

Published: August 26, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiskiisa magaalada Baydhabo kula kulmay culimada magaalada.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii culimada diintu doorkooda uga qaadan lahaayeen dhismaha dowladnimada hanaqadka ah ee Koonfur Galbeed gacanna uga geysan lahaayeen horumarka iyo xasiloonida deegaanka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan magaalada Baydhabo toogasho lagu fuliyey rag la sheegay inay kufsi ku sameeyeen caruur yaryar, isla markaana warar hoose ayaa sheegaya in kulanka madaxweyne Laftagareen iyo culimadu looga hadlay sidii looga hortagi lahaa dhacdooyinkan oo kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *