Laftagareen Oo La Kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Published: October 14, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay wakiiada beesha Caalamka.

Madaxweynaha ayaa la kulmay wakiilada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, EU, AMISOM iyo IGAD, waxayna ka wada hadleen arimaha doorashooyinka, xiriirka dowlada federaalka iyo koonfur galbeed, xoojinta amniga xiliga kala guurka iyo arimaha gargaarka iyo ka hortaga cudurka Covid19.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa wakiilada dowladahooda uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Wakiilka Qaramada midoobay ee arimaha Soomaaliya James Swan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan xaaladaha ka jira deegaanada Koonfur Galbeed si dhowna ay ula shaqayn doonaan maamulkaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *