Laftagareen oo saagootiyey Xildhibaanada cusub ee Federaalka

Published: March 27, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeybgalay Xaflad lagu sagootinayey Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku Metelaya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Afarta sano soo socota oo xalay ka dhacday magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xildhibaanada cusub kula dardaarmay in ay si sax ah u gutaan waajibaadka ka saran badbaadinta dadka iyo dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa gudiga doorashada dadban ee heer maamul goboleed Koonfur Galbeed iyo dhammaan dadkii qeybta ka ahaa ku ammaanay hawshiiay qabteen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *