Lataliye Ilaalada IRAN oo lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday Dimishiq, Suuriya

Published: February 2, 2024

Lataliyihii Ilaalada Kacaanka Iiraan ee Dimishiq ayaa Jimcihii lagu dilay weerar gantaal oo ay Israa’iil la beegsatay degmo ku taal koonfurta caasimadda Suuriya.

Wakaaladda wararka ee dawladda Suuriya ee SANA, oo soo xiganaysa ilo milateri, ayaa sheegtay in milatariga waddanku uu soo riday tiro gantaallo ah oo ay Israa’iil kasoo riday buuraha Golan Heights ee koonfurta Dimishiq.

Israa’iil ayaa sanado badan weeraro ku qaadaysa waxa ay ku tilmaantay bartilmaameedyada Iran ee Suuriya, halkaas oo saamaynta Tehran ay kor u kacday tan iyo markii ay billowday in ay taageerto madaxweyne Bashar al-Assad, xiligii uu bilowday dagaalka sokeeye 2011-kii.

Horseed Media