Libya: Kooxaha dagaalamaya oo ku heshiiyey xiliga Doorashada

Published: November 12, 2020

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Liibiya, Ms. Stephanie Williams ayaa sheegtay in guul laga gaaray wadahadalkii dhinacyada siyaasada ee reer Liibiya uga socday magaalada Tunis ee dalka Tunisia.

Garabyada isku haya siyaasada Liibiya ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen in doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha la qabto 18 bilood kadib.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa shirkan ka furmay magaalada Tunis ku kulmeen wafuud ka kala socda maamulada iska soo horjeeda ee dalka Liibiya, kuwaasi oo bishii lasoo dhaafay wada saxiixday heshiis xabad joojin ah.

Dowladaha Caalamka aqoonsan yahay ee GNA iyo Kooxda uu hogaamiyo Jeneraalka Khilafa Haftar ee LNA oo kala maamula caasimada iyo Bariga dalkaasi Liibiya ayaa taageero militari ka kala helayey dalal shisheeye.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *