Liibiya: Maydadka Tahriibayaal badan oo La Helay

Published: August 24, 2020

Hay’adaha Bisha Cas ee Liibiya ayaa sheegtay inay ka heleen xeebta magaalo xeebeedka Zwara maydadka 22 Qof oo tahriibayaal ah.

Madaxda Hay’ada IOM ee liibiya ayaa bartiise twitterka wuxuu soo dhigay sawirada maydadka 22 qof oo ku lagu riday bacaha maydka oo yaal xeebta magaalada Zwara

Hay’adaha UNHCR iyo IOM ayaa todobaadkii hore sheegay in 45 qof oo Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 5 caruur ah ku dhinteen xeebta wadanka Liibiya, kadib markii ay burburtay doontii ay saarnaayeen,

Kalluumaysato ayaa 37 qof oo tahriibyaal ah nolol kusoo badbaadiyeen. Dadkaasi soo badbaaday ayaa la sheegay inay hada xiran yihiin.

Tahriibayaasha doonidan saarnaa ayaa u badnaa dad kasoo jeeda wadamada Chad, Ghana, Mali iyo Senegal.

Tahriibayaal ka badan Boqol kun oo qof ayaa tan iyo sadkii 2019kii isku dayay inay u tahriibaan Qaarada Yurub, ilaa 1200 qof ayaa sanadkii hore ku dhintay Badda. Sanadkan tirada dadka Tahriibayaa ayaa 300% noqday marka la barbardhigo sanadkii hore.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *