Liibiya oo masaafurisay boqolaal Tahriibayaal Masaari ah

Published: February 1, 2024
Shares16

Mas’uuliyiinta Liibiya ayaa Arbacadii bilaabay inay 350 tahriibayaal ah u diraan dalkooda Masar.

Dalka Liibiya oo ay dagaalladu ragaadiyeen ayaa noqday goob muhiim ah oo ay ka dhoofaan tahriibayaasha, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dalalka Afrika, kuwaas oo halis ugu jira safarrada badda ee khatarta ah iyagoo rajo ka qaba inay gaaraan Yurub.

Maamulada iska soo horjeeda ee Liibiya ayaa sanadkii hore ku heshiiyey hay’ad ka hortagta socdaalka oo fadhigeedu yahay Tripoli taas oo u xilsaaran isku dubaridka musaafurinta dadka ajaanibka ah ee sida sharci darada ah ku jooga dalkaasi.

Talaadadii, 323 tahriibayaal ah oo qaar badan oo ka mid ah ay dumar yihiin, ayaa dib loogu celiyay Nigeria iyagoo duullimaadyo ka soo qaaday caasimadda Tripoli iyo magaalada Benghazi iyadoo la kaashanayo Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

Horseed Media