Ma dib u dhac ayaa ku yimid Kulankii maanta ee Baarlamaanka Federaalka

Published: March 29, 2021

Waxaa la baajiyay Kulan xasaasi ah oo maanta lagu waday in ay yeeshaan xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maanta oo isniin ah ayaa lagu waday in uu qabsoomo Kulankan oo xambaarsanaa ajandayaal gooni ah hase ahaatee Xildhibaanada loo sheegay in dib loo dhigay ilaa 31-da bishan oo ku beegan Arbacada soo socota.

Fariin xalay loo diray xildhibaanada aya lagu yiri  “Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dib u dhiggida kulanka Baarlamaanka ,xogo la helayo ayaa sheegaya in cadaadis ka yimi wakiilada beesha Caalamka ,midowga Musharixiinta iyo madaxweynayaasha dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka uu dib ugu dhacay Arbacada Kulankan Baarlamaanka Golaha shacabka.

Dhinaca kalena xildhibaanada 15-ka ah ee laga joojiyay fadhiyada Baarlamaanka ayaa shir jiraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen in ay xaadirayaan kulamada

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waa magaal fiican, laakiin su’aasha cinwaanka waxaad ka tagteen in calaamad su’aal ”?” lagu daro maaddaama jumlada hadalku ay su’aal tahay!
    Waad mahadsan tihiin.