Maamulka Koofur galbeed iyo QM oo ka wada hadlay amniga iyo abaaraha

Published: March 1, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku-meel gaarka uah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo ku qaabbilay wafdi ay hoggaaminaysay ku-xigeenka  ergeyga gaarka ah ee xoghayaha-guud ee Qaramada midoobay , Anita Kiki Gbeho.

Kulanka Madaxweynaha iyo wafdiga oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan golaha Wasiirrada iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada maamulka koofur galbeed ayaa waxaa looga hadlay arrimaha abaaraha,doorashooyinka iyo amniga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *