Madasha Xisbiyada Qaran Oo Baaqyo Kasoo Saartay Shirka Muqdisho

Published: September 4, 2020

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa baaqday in la ballaariyo shirka Muqdisho ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka, waxayna madashu ugu madaxweyne Farmaajo dhamaan dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka Soomaaliya, si xal looga gaaro khilaafka hareeyey hannaanka doorashada.

Sidoo kale madasha ayaa ku baaqday in dib u eegis lagu sameeyo qaar kamid ah qodobaddii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3, gaar ahaan qodobada dib u dhigaya doorashadu inay waqtigeeda k dhici weydo.

Madaxweyne Farmaajo ayey ku eedeeyeen inuu baalmaray dhaqankii dowliga ee ahaa in 30 cisho lagu soo magacaabo raysal wasaare, taasina ay tahay inuu madaxweynuhu wali si dhab ah u wajihin xaaladda kala guurka ee dalku marayo.

Ugu dambayn madasha xisbiyada Qaran ayaa ku baaqday in gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka lagu casumo hogaanka ururada bulshada rayidka iyo xisbiyada siyaasadeed, waxayna madashu u mahadcelisay beesha caalamka dadaalka ay ku bixinayso qabsoomida shirka iyo xal ka gaaristiisa.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *