Madasha Xisbiyada Qaran oo sheegtay in isku-day weerar ah lagu soo qaaday gurigga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif.

Published: March 25, 2020

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war saxaafadeed ka soo saaray waxay ku sheegtay in isku day weerar gaadmo ah oo qorsheysan ay ciidamo hubeysan ku hareereeyeen Hoyga Guddoomiyaha Madasha iyo xarunta Madasha Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku taal xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir.

War saxaafadeedka Madasha ayaa lagu baahiyay habeenadii isku xigay ee taariikhda aheyd 22 iyo 23 March ay jireen isku daygaas ciidamada ku hareereeyeen hoyga Sheekh Shariif, waxaana ay sheegeen inay xadgudub ku tahay xurmada Madaxweynuhii hore isla markaana ka soo horjeeda shuruucda dalka iyo hannaanka dowladnimada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *