Madaxa Hay’adda UNHCR, Filippo Grandi oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

Published: October 21, 2022
Shares22

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey Madaxa Hay’adda qaxootiga adduunka (UNHCR) Filippo Grandi. 

Filippo Grandi inta uu joogo Soomaaliya,  waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dowladda federaalka ah sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Hay’adaha kale ee daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacaasha. 

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorsheyaal lagu hormarinayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyada oo ballanqaadday meelmarinta sharciyo waxtar leh sida ansixinta  xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023. 

Safarka madaxa UNHCR Grandi ee Soomaaliya ayaa imaanaya todobaad kadib markii isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ay ku kulmeen Switzerland, iyaga oo isla meeldhigay arrimo badan oo ku saabsan arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.

Horseed Media