Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geerida ku timid Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Published: November 18, 2022
Shares2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo xusay doorkii muuqday ee Garaad Saleebaan uu kasoo qaatay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland geerida ku timid Marxuumka oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee laf-dhabarka u ahaa aasaaska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud.

“Allaha u naxariistee, Garaad Saleebaan waxa uu ka mid ahaa Isimada facaweyn ee doorka muhiimka ah u ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Horseed Media