Madaxda Maamulada oo Muqdisho ka wada degay kahor doorashada Madaxweynaha JFS

Published: May 7, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne kuXigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Safar shaqo ku gaaray Caasimada Dalka ee Muqdisho.

Madaxdaan waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Xildhibaano Ka tirsan labada gole ee Dowlada DFS, Wasiiro iyo Masuuliyin kale.

Madaxda oo ka warbixiyey ujeedka safarkooda ayaa sheegay in Safarkoodu uu yahay mid shaqo isla markaana u qayb ka qadan doono Dorashada Madaxweynaha JFS ee dhacaysa 15 may.

Sidoo kale, waxaa isla maanta Muqdisho gaaray Madaxweyne kuXigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, iyadoo horay u joogeen magaalada Muqdisho Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *