Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland oo kulan la qaatay Madaxa Hay`adda FOA

Published: February 27, 2018

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada ee Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame oo ay weheliyaan wasiir kuxigeenka wasaarada Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed “Maareeye” iyo agaasimaha guud ee wasaarada Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” ayaa xarunta dhexe ee Wasaarada Deegaanka kulan la qaatay wafti ballaaran oo uu hogaaminayey madaxa hay`adda FOA ee Soomaaliya Mr, Daniele Donati iyo saraakiil kale oo ka socotay xafiiska FOA ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa intii uu socday xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay`adda FOA iyo wasaaradda Deegaanka isla markaasna loo balaarin lahaa howl galka iskaashi ee labada dhinac ay horey ugu jireen, shirka ayaa diirada lagu saaray mashaariicda Puntland ay FOA ka wado sidii loogu saleyn lahaa qorshaha Puntland gaar ahaan qeybtooda Deegaanka iyadoo laga duulayo istaraatijiyada wasaarada Deegaanka oo ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada Puntland.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii FOA iyo wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ay uga wada shaqeyn lahaayeen fulinta iyo balaarinta Mashruuca cunto lacag ku badalashada ah “Cash for work” ka hortaga abaaraha, hagaajinta iyo hormarinta dhul daaqsimeedka Puntland, hormarinta Daaqa, ka faa`iidaysiga biyaha roobka iyo ilaalinta Duurjoogta Puntland waxaana ay dhinacyadu isla qaateen in si wadajir ah loo bilaabo fulinta dhammaan qorshayaashan oo ku saleysan baahiyaha bulshada reer Puntland oo ay horey wasaaradda Deegaanku u sameysay kadib markii ay wadatashiyo kale duwan la qaateen qeybaha kale duwan ee bulshada.

Wasiirka wasaarada Deegaanka Dr. Cali Cabdullaahi ayaa geba-gabadii shirkaas uga mahadceliyey madaxda FOA booqashada ay ku yimaadeen wasaarada deegaanka waxaana uu sheegey inay muhiimtahay bilaabista Qorshe mideysan oo wax looga qabanayo deegaanka Puntland, madaxa hay`adda FOA ee Soomaaliya Mr, Daniele Donati ayaa isna u mahadceliyey madaxda wasaarada Deegaanka wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhexayso waxaana uu sheegey in ay sii laba jibaari doonaan howgalkooda Puntland iyagoo ku shaqaynaya siyaasadda Puntland.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *