Madaxweynaha Deni oo sheegay inay koox yar kasoo horjeedaan dimuqraadiyadda Puntland

Published: May 20, 2023
Shares2

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gaaray degmadda Iskushaban ee gobolka Bari ayaa sheegay inay koox yar kasoo horjeedaan doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa kooxdaas ku tilmaamay kuwo riyoonaya, iyadoo hadalkiisu u muuqday mid adkaynaya mowqifkiisa ku aadan qabsoomidda doorashada.

“Koox yar oo riyo ku jira ayaa diidan dowladnimada iyo dimuqraadiyadda Puntland. Waxaa la arki jiray dad habeenkii riyooda. hadda waxaa soo baxay kuwa maalintii riyoonaya. Waxaan rajeynayaa inay riyadaas kasoo kacaan oo runta usoo daadegaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay dadku inay isbeddeleen, ayna diyaar u yihiin inay codkooda wax ku doortaan.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa isku dayaya inay cunaqabatayn ku sameeyaan qalabka doorashada inuu ka baxo magaalada Garowe, iyadoo la sheegayo inay abaabuleen maleyshiyaad kasoo horjeeda doorashada.

Horseed Media