Madaxweynaha Falastin oo lagu casumey Aqalka Cad ee Maraykanka

Published: March 11, 2017

Donald Trump Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa casumaad u direy Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, kadib markii ay telefon kuwada hadleen markii u horeysey.

Wada hadalkii dhanka telefonka ayaa Trump sheegay in uu aaminsan yahay heshiis nabadeed oo dhex mara Israel iyo Falastiin, taas oo ay tahay in labada dhinac si tos ah u wada hadlaan, halka Maraykanku uu la shaqeynaayo labada dhinac.

Trump ayaa sidaan oo kale wada hadal la yeeshay rayslawasaaraha Israel Benjamin Natanyahu, waxaana uu ku casumey bishii Febaraayo 2017 Aqalka Cad.

Trump ayaa doorashada ku galey in Safaaradda Maraykanka u soo rarayo magaalada Qudus ee Isarel haysato halka ay hadda ka degan tahay Tel Aviv tan oo la sheegay in ay tahay mid sii murgineyso in heshiisba la heli karo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *