Madaxweynaha Galmudug oo maanta magacaabaya Xubnaha Guddiga Doorashooyinka

Published: June 17, 2021

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa la filayaa in uu maanta soo magacaabo Xubnaha Gudiga Doorashooyinka heer Federaal ee Galmudug.

Wadahadal dhanka isgaarsiinta oo dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa diiradda lagu saaray dadajinta magacaabista Xubnaha Gudiga Doorashooyinka ee Galmudug.

Afhayeenka Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucalimow oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa shaaciyay in Madaxweynaha Galmudug uu Ra’iisul Wasaare Rooble u sheegay in maanta oo khamiis ah uu soo gudbinayo liiska Xubnaha Gudiga Doorashooyinka.

Xubnaha Gudiga Doorashooyinka heer Federaal ee ka imaanaya Galmudug ayaa wax kabadal lagu sameyn doonaa maadama Gudigii hore ee Doorashooyinka ay horey cabasho uga muujiyeen Musharixiinta iyo Saamileyda siyaasadda dalka.

Lama oga Xubnaha Gudigga doorashooyinka ee Galmudug ay soo magacaabayso in ay noqon doonaan kuwo kalsooni buuxda abuuri doona isla markaana dhexdhexaad ka noqon doona qabsoomidda doorashada dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *