Madaxweynaha Guinea-Bissau oo kala diray Baarlamaanka xilli uu sheegay afgambi dhicisoobay

Published: December 5, 2023

Madaxweynaha Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embalo ayaa kala diray baarlamaanka qaranka Isniintii shalay sida lagu sheegay wareegto.

Go’aanka ayaa yimid maalmo kadib markii Madaxweynaha uu ku tilmaamay isku dhacyadii u dhaxeeyey garabyada ciidamada todobaadkii hore inuu ahaa isku day afgambi.

Wareegtada, oo uu u akhriyay weriyeyaasha lataliyaha madaxweynaha Fernando Delfim da Silva, Madaxweynaha waxa uu go’aankan u cuskaday “khatarta” dhacdooyinkii jimcihii la soo dhaafay.

“Taariikhda la qabanayo doorashooyinka sharci-dejinta ee soo socda waxaa la cayimi doonaa waqtigeeda iyadoo la raacayo qodobbada dastuurka,” ayaa lagu yiri.

Waa markii labaad oo muddo ka yar laba sano gudahood uu Embalo kala diro golaha sharci dejinta.

Bishii Maajo 2022, madaxweynuhu wuxuu kala diray baarlamaanka ka dib markii ay fooda is dareen golaha fulinta.

“Waxaan aaminsanahay in baarlamaanka uu had iyo jeer diiradda saaro xasillooni darrada. Ma ogolaanayno qalalaase,” ayuu yidhi.

Mucaaradka Guinea-Bissau ayaa hada heystay aqlabiyadda baarlamaanka la kala diray, kaasoo la doortay bartamihii sanadkan.

Xisbiga aqlabiyada ama isbahaysigu waxa ay soo magacaabaan xukuumadda, laakiin madaxweynaha ayaa awood u leh inuu xilka ka qaado, taas oo keenta isku dhac siyaasadeed.

Ilaalada Qaranka Guinea-Bissau ayaa rasaas isweydaarsaday askarta gaarka ah usbuucii hore meel u dhow xeryo militari oo ku yaal koonfurta caasimada Bissau, xilli Embalo uu ku sugnaa Dubai oo uu kaga qeyb galayay shirka cimilada ee Qaramada Midoobay.

Rasaasta la is weydaarsaday, taasoo keentay dhimashada laba qof, ayaa dhacday ka dib markii Askarta Ilaalada Qaranka ay sii daayeen Wasiirka Maaliyadda ee Guinea-Bissau Souleiman Seidi iyo Xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda Antonio Monteiro, kuwaas oo loo haystay lacag lagala baxay khasnada dowlada oo gaareysay ilaa $10 malyan.

Horseed Media