Madaxweynaha Hir-shabeele oo kulan la qaatay beesha caalamka.

Published: May 12, 2020

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kulan xagga internetka ah la qaatay madaxda beesha caalamka u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Kulankaan ayaa diirada lagu saaray caqabadaha cudurka Covid-19, qorsheynta hannaanka doorasho, Amniga, siyaasadda iyo xoriyadda saxaafadda sida lagu yiri war ay baahisay UNSOM.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isna bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu goor dhow u soo gabagaboobay shirka dhanka muuqaalka uu la yeeshay AMISOM, Safiirada Itoobiya, Midowga Yurub, Talyaaniga, IGAD, Jarmalka, Sweden, UK, UN iyo USA, kaasoo ku saabsanaa daadadka cudurka Covid-19, Amniga, saaxada Siyaasadda Xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, doorashooyinka iyo qodobo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Beledweyne, halkaasoo ay ka jiraan xaaladaha fatahaada wabiga Shabelle iyo dadaalo looga hortagayo. Webiggana ayaana maanta kusoo fatahay magaalada, balse qoysas badan ayaa dhawr beri ka hor ka barakacay magaalada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *