Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo booqday deegaanno dhowaan laga qabsaday Al-shabaab

Published: December 11, 2022

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ayaa booqday deegaannada Mabaax iyo Ceel qooxle oo dhowaan laga xoreeyay kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa kormeeray deegaanadaan, isagoo halkaas kula hadlay boqolaal ciidamada dib u xureynta deegaanka ah ee Al-shabaab ka saaray deegaannadaan.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamada dib u xureynta ka soo hoyeen dagaalada lagula jiro Al-shabaab,

Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dhameystirka howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Horseed Media