Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo booqday deegaanno laga saaray Al-shabaab

Published: November 6, 2022
Shares4

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gaaray deegaannada Wargaadhi, Geedi xeer, Xasan geedi, Qaahira, Maxaa saciid iyo Nuur dugle oo dhowaan laga xureeyay kooxda Al-shabaab. 

Socdaalka Madaxweynaha oo ay ku wehliyeen Xubnaha labada gole ee Hirshabeelle, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Gudoomiye Axmed Xasan Cadow ( Axmed daaci) iyo Saraakiil waxaa deegaanka Nuur dugle kusoo dhoweeyay Xildhibaan Yuusuf Ibraahin Afrax iyo Xildhibaan Cusmaan Xaadoole,

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhamaan deegannada laga xureeyay Al-shabaab oo ay ka muuqdeen raadadka kala duwan.

Masaxweynaha ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay ka carareen dhamaan deegaanadaan, isagoo xusay in dhamaan deegaannada laga xureeyay ayna ka jirin wax horumar ah, Ciidamadana ay kaabiga ku hayaan deegaanka Guulane oo hoostaga degmada aadan yabaal.

Madaxweynaha ayaa shacabka deegannadaan ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan dagaalka lagula jiro Ururka Al-shabaab.

Horseed Media