Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo gaaray Degmada Buulo Burde

Published: August 16, 2022

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Buulo Burde halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha ee Magaalada Buulo Burde kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Xubnaha labada gole ee Dowladda, Saraakiisha  Hay’addaha Amaanka iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Buulo Burde waxa uu kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa xoojin doona howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda degmooyinka Maxaas iyo Matabaan. 

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *