Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo gaaray Degmada Matabaan

Published: August 21, 2022

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Degmada Matabaan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiirro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale waxaa degmada kusoo dhoweeyay Maamulka Degmada, Saraakiisha Hay’addaha Amaanka, Waxgaradka, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa Maamulka iyo bulshada Matabaan uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran ee ay u sameeyeen waxa uuna sheegay in dowladda Hirshabeelle ay ka shaqeyn doonto adeegyada horumarineed ee degmada Matabaan.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Degmada waxa uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *