Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo gaaray Magaalada Muqdisho

Published: September 10, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhoweeyay Wasiiro, Xildhibaanada labada aqal ee BFS, Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, xubno labada gole ee Dowladda Hirshabeelle, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Shirkaad ayaa lagu wadaa in looga hadli doono arrimaha amniga iyo abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *