Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo Garoon diyaaradeed ka dhagax dhigay Matabaan

Published: August 22, 2022
Shares18

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo Degmada Matabaan ee goblka hiiraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha garoonkaan uu muhiim u yahay isu socodka bulshada, ganacsiga deegaankana uu horumar muuqda kusoo kordhin doono.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsatada, hay’addaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in loo istaago dhismaha garoonka diyaaradaha ee Degmada Matabaan.

Dhagax dhigga Garoonkan diyaaradeed ayaa noqonaya kii labaad ee gobolka Hiiraan uu ka dhagax dhigo Madaxweyne Cali Guudlaawi oo safarro ku maraya degmooyinka gobolkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *