Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo magacaabay Wasiir cusub & Kuxigeenkiisa

Published: August 15, 2022
Shares458

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa wareegto uu soo saaray maanta ku magacaabay Wasiir iyo wasiir ku xigeen oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada cusub ee dhawaan uu magacaabay.

Madaxweynaha ayaa Axmed Sheekh Nuur Cabdi (Cirro) u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga.

Sidoo kale Axmed Maxamed Tuuryare u ayaa loo Magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaraddaasi.

Wareegtada Madaxweynaha

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Golahiisa Wasiirrada magacaabay 2 August 2022-ka, iyagoo noqonaya Golaha Wasiiradda ugu badan ee maamul goboleedyada dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *