Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo wehliyaan Xildhibaan Cismaan Xaadoole, Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil iyo…
Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo wehliyaan Xildhibaan Cismaan Xaadoole, Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil iyo masuuliyiin kale ayaa booqday aagaga hore ee dagaalka ka socda gobolka Shabeelaha dhexe.
Masuliyiintaan ayaa furimaha dagaalka ee gobolka shabeelaha dhexe u jooga dhiiri galinta iyo abaabulka dagaalka kooxda Al-shabaab lagula jiro.
Bulshada deegaannadan oo soo dhoweeyey in laga xoreeyo Ururka Al-shabaab ayaa masuliyiintu waxeey ugu baaqeen inay ka qeyb noqdaan howlgallada oo Ciidamada ku garab-siiyaan soo afjaridda Al-shabaab.
Deegaanno badan oo katirsan Maamulka HirShabeelle ayaa ku sugan oo heysta Ururka Al-shabaab iyadoo ay haatan socdaan howlgallo ka dhan ah Ururkaas.
Horseed Media