Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Lagu Soo Dhoweeyey Muqdisho

Published: January 8, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mdi yihiin xildhibaanno, wasiiro, maamulka gobolka Banaadir, madaxweynihii hore ee maamulkaasi cali Cabdullaahi Cosoble iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka hadlay safarkiisa Muqdisho ayaa sheegay inuu yahay hawlo shaqo, isagoo u mahadceliyey dhamaan mas’uuliyiintii iyo shacabkii kusoo dhoweeyey caasimada.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *